
Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa shaaciyay sida ururadii ku tartamay u kala heleen kuraast baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed oo ka kooban 95 kursi.
Guddiga ayaa sheegay in ururka dowladda ee Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) uu helay 51 kursi oo ka mid ah baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed. Ururkan waxaa ka sharraxnaa Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo hadda ah guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale ururka Horumar iyo Midnimo Qaran ee hoggaamiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa helay 14 kursi, halka ururka Karaama uu helay 11 kursi.
Ururka Sincad ee hoggaamiyo Eng. Maxamuud Jabiye ayaa isna helay 6 kursi oo ka mid ah kuraasta baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed.
Doorashada Koonfur Galbeed ayaa la sheegay in ay codeeyeen 128 kun oo qof, kuwaas oo ku nool gobollada Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose.
PUNTLAND POST