Maxaa ka soo baxay shirkii Xalane?

Maanta waxaa xarunta Xalane ee Muqdisho shir ku yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Saalax Jaamac, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

kulanka oo ay garwadeen ka ahayd Beesha Caalamka waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka. Golaha Mustaqbalka ayaa sheegay in ay waajib tahay in dastuurku yahay kii la isku raacsanaa ee 2012-ka, doorashadana ay tahay in nooceeda hadda laga heshiiyo iyo sida loo qabanayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in doorasho qof iyo cod u tahay, ayna is diiwaangeliyaan oo tartanka galaan, isaguna ka shaqeynayo doorashooyin toos ah oo uu ka soo qabtay gobolka Banaadir iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Labada dhinac ayaa isku fahmi waayay labada doodood ee dastuurka iyo doorashooyinka, taas oo keentay in lagu ballamo kulan kale oo berri dhacaya.

PUNTLANDPOST