
Puntland ayaa siidaysay lix nin oo u dhashay dalka Marooko oo lagu qabtay buuraha Calmiskaad, kuwaas oo sanadkii 2024 ay dil toogasho ku xukuntay maxkamad ciidan.
Raggan oo muddo labo sano ah ku xirnaa magaalada Boosaaso waxay todobaadkii hore gaareen magaalada Casablanca ee dalka Marooko, sida ay xaqiijiyeen eheladooda iyo Guddiga Difaaca Maxaabiista Islaamiga ah.
Ragggan waxaa la sheegay in lagu siidaayay dagaalo diblomaasiyadeed oo dhexmaray Soomaaliya iyo Marooko, waxaana xukunkoodii meesha ka saartay maxkamad racfaan oo xustay in ay ahaayeen rag ay soo khaldeen Daacish.
Puntland ayaa haysa maxaabiis ajaaniib ah oo farabadan oo tan 2025 lagu qabtay buuraha Calmiskaad, ayna ku jiraan kuwa u dhashay dalka Marooko oo u dagaalamayay Daacish.
PUNTLAND POST