
Golaha deegaanka degmada Hargeysa ayaa saaka xilkii ka qaaday maayirkii caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge iyo ku xigeenkiisii Khadar Axmed Cumar.
9 Xubnood oo ka tirsan golaha deegaanka caasimadda Hargeysa ayaa xilkii ka qaaday maayir Cabdikariin Axmed Mooge iyo ku xigeenkiisii, kuwaas oo ku eedeeyay xil gudasho la’aan iyo arrimo kale oo la xiriira dhinaca shaqada.
Maayirka caasimadda Hargaysa ayaa loo doortay Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Wiiwaa), halka maayir ku-xigeenna loo doortay Aadan Cabdi Jaamac (Mideeye).
Cabdikariin Axmed Mooge ayaa xilka maayirka magaalada Hargeysa loo doortay 17-kii bishii Juun ee sannadkii 2021-kii, isaga oo xilligaas ka soo baxay xisbiga Waddani oo hadda haya talada Somaliland.
Cabdikariin Axmed Mooge ayaa noqonaya maayirkii koowaad ee magaalada Hargeysa soo mara ee xilka ay ka qaadaan golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa.
PUNTLAND POST