
Siyaasi Guuleed Saalax Barre ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni in uu markale wax ka beddel ku sameynayo qodobo ka mid ah Dastuur, si uu xukunka u sii joogo.
Guuleed Saalax oo hadal ka jeeday munaasabad loogu saameeyay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa yiri “Dastuurkii Puntland ayaa markale loo beddelayaa in xukun uu madaxweynuhu ku sii joogo”.
Wuxuu sheegay in la beddelo qodobka 79-aad ee Dastuurka Puntland oo ka hadlaya muddada xilhaynta madaxweynaha, kaas oo dhigayo in labo jeer oo keli ah la soo dooran karo.
Madaxweyne Deni ayaa sanadkii 2023-kii markii ugu horreysay wax ka beddel ku sameeyay Dastuurka Puntland, tallaabadaas oo sababtay dagaal dad badan ku dhinteen oo dhacay magaalada caasimadda ah ee Garoowe.
PUNTLAND POST