
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u safray magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaa oo uu kaga qaybgalo caleemosaarka madaxweyne Yoweri Museveni oo qabsoomaysa berri oo ah 12-ka May 2026.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ah madaxda dowladaha geeska Afrika iyo mas’uuliyiin kale oo lagu casuumay ka qaybgalka munaasabadda caleemo-saarka madaxweyne Museveni, waxaana muddada uu dalkaasi joogo kulamo la yeelandoonaa madaxda sare ee dalkaas iyo mas’uuliyiin kale.
Safarkan ayaa yimid, xilli madaxweyne Xasan Sheekh uu shalay safar kaga yimid dalka Jabuuti, halkaas oo uu kaga qaybgalay munaasabad lagu caleemo-saarayay madaxweynaha dib loo doortay ee dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle.
PUNTLAND POST