Juxaa oo dhaliilay mucaaradka Muqdisho

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa dhaliilay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, gaar ahaan siyaasiyiinta Muqdisho, isagoo ku tilmaamay kuwa aan u babax dhigi karin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Juxaa waxa uu sheegay in mucaaradka Muqdisho aysan madaxweyne Xasan Sheekh ku khasbi karin in uu kubadda dhulka dhigo oo ay yihiin kuwa sii tabar yaraanaya maalinba maalinta ka dambeysa.

“Xamar maanta kama dhicin bannaanbax Xasan Sheekh Maxamuud ku khasbi kara inuu kubadda dhulka dhigo. XSM afar cisho ayaa u harsan, mucaaradkuna caawa waa ka tabar daran yihiin xalay” ayuu yiri Juxaa, isagoo ku daray “Maxaa u furan Puntland iyo Jubaland?”.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mucaaradka kaga adkaatay in ay baajiso bannaanbaxyadii ay ku baaqeen ee Muqdisho, iyadoo sidoo kale ku guuleysatay in ay doorasho qof iyo cod ah ka qabato Koonfur Galbeed.

PUNTLAND POST