Maamulka Koonfur Galbeed oo saaka looga dareeray doorasho qof iyo cod

Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed ayaa saaka u dareeray doorasho qof iyo cod ah oo isku sidkan, taas oo lagu dooranayo golayaasha deegaanka iyo wakiillada ee maamulkaas.

Doorashadan ayaa looga dareeray 13 degmo oo ka tirsan gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, waxaana si weyn ugu qulqulaya goobaha codbixinta shacab doonaya in ay codkooda dhiibtaan, iyada oo la arkayay safaf dhaadheer oo ay sameynayeen dadweynaha ka qeyb qaadanaya doorashada.

Doorashada golaha wakiillada maamulka Koonfur Galbeed waxaa ku tartamaya 15 urur siyaasadeed iyo 394 oo musharrax, halka doorashada golaha deegaanka ay ku loolamayaan 18 urur siyaasadeed iyo 1,297 musharrax.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo doorashadan maamulaysa ayaa madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed u wadata guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), kaas oo ka tartamaya xisbiga uu  hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee JSP.

PUNTLAND POST