
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo geed fadhi u ah mucaaradka Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in 11:00 subaxnimo la isugu yimaado garoonka Eng Yariisow ama Koonis, kaas oo shalay dawladda ay amar ku bixisay in mucaaradku ay ku qabsadaan bannaan baxyada.
Go’aankan ayaa ka dhigan in uu meel maray amarkii ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee mucaaradka loogu diiday in aan bannaan baxyada lagu qaban karin goobihii ay shalay cayimeem mucaaradka oo qaarkood ay ku dhawaayeen madaxtooyada.
Dhanka kale dowladda ayaa adkaysay amniga magaalada Muqdisho, iyada oo goobaha ay deggan yihiin xubnaha mucaaradka ah gaystay ciidamo dheeraad ah.
Sidoo kale qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa la xiray, waxaana la maqlayaa guuxa diyaaradaha dagaalka, taas oo u muuqata in ay heegan gashay dowladda.
Dhaqdhaqaaqyada ay magaalada Muqdisho ka wadaan dowladda iyo mucaaradka ayaa sameyn ku yeeshay nolosha shacabka deggan caasimadda oo u badan dan yar.
PUNTLAND POST