Puntland oo ka hadashay colaadda Sanaag

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa baaq nabadeed u dirtay beelaha dirirtu ku dhex martay dooxada Laashimo ee deegaanka Carmale, gobolka Sanaag.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ay si weyn uga xun tahay colaadda iyo dirirta nasiib darrada ah ee dhex martay bulshada walaalaha ah, iyada oo ugu baaqday dhammaan dhinacyada in ay si deg-deg ah u joojiyaan colaadda, kana shaqeeyaan nabad, wada hadal iyo xasillooni waarta.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland waxay ka tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehellada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii ku naf waayay dirirtaasi.

Wasaaradda waxay cod dheer ugu baaqday isimada dhaqanka, cuqaasha, culimada, haweenka, dhalinyarada iyo dhammaan qaybaha bulshada Sanaag in ay u guntadaan sidii ay dowladda Puntland ugala shaqayn lahaayeen joojinta colaaddaas.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay bogaadisay ciidamada Puntland iyo waxgaradka deegaanka ee ku howlan hirgelinta xabbad-joojinta, xakameynta colaadda iyo ka hortagga khasaare dheeraad ah.

Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay ku adkaysay dhammaan dhinacyada in ay si degdeg ah u qaataan xabbad-joojin buuxda, islamarkaana u hoggaansamaan dadaallada nabadaynta iyo wada-hadallada ay dowladdu waddo.

Wasaaraddu waxay ku boorrisay bulshada in nabaddu tahay tiirka horumarka, dowladnimada iyo jiritaanka bulshada, islamarkaana aysan jirin wax lagu beddeli karo wada noolaanshaha iyo walaaltinimada ummadda wada dhalatay ee wadaagta diin, dhaqan, dhiig, deegaan iyo taariikh dheer oo aan go’ayn.

PUNTLAND POST