
Dallada Bulshada Rayidka ee Puntland (PUNSAA) ayaa ka tacsiyeeyay muwaadiniintii ku geeriyooday dhacdadii naxdinta lahayd ee ka dhacday deegaanka Carmale ee gobolka Sanaag.
PUNSAA waxay dowladda Puntland, odayaasha dhaqanka, culimada iyo waxgaradka gobolka Sanaag ugu baaqday in si degdeg ah loo xakameeyo xaaladda, lana joojiyo wax kasta oo sii hurin kara colaadda ama keeni kara xadgudub ka dhan ah muwaadiniinta.
Sidoo kale waxay cod dheer ugu baaqday beelaha dhibaatadu dhex taallo in ay ka fogaadaan fal kasta oo xaaladda sii murjin kara, una laabtaan wada hadal, sulux iyo nabad.
Dalladdu waxay sidoo kale ugu baaqday dhammaan dhinacyada wax ka geysan kara nabadaynta in ay si degdeg ah ugu istaagaan dadaallada suluxda iyo dib-u-heshiisiinta.
Colaadda gobolka Sanaag waxaa ku geeriyooday dad ka badan 25 qof, iyadoo qaar ka mid ah maanta xabaal wadareed loogu sameeyay magaalada Carmale.
PUNTLAND POST