Madaxweyne Deni oo tababar u soo xiray saraakiil hoggaamin doonta howlgallada Calmiskaad iyo Calmadow

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Boosaaso tababar ugu soo xiray saraakiil ka tirsan ciidamada PMPF oo loo tababaray hoggaaminta fulinta howlgallada gaarka ah, hoggaaminta & hagidda ciidamada goobaha dagaalka, adeegsiga hubka culus iyo yaraynta khasaaraha goobaha dagaalka.

Saraakiishan ayaa la sheegay in ay hoggaamin doonaan howlgallada la dagaalanka argagixisada ee buuraha Calmiskaad iyo Calmadow, kuwaas oo la tilmaamay in ay tababarkooda bixiyeen khuburo amni oo caalami ah.

Saraakiishan ayaa ah dufacadii 6-aad ee hoggaaminta la baro ee ka soo baxday dugsiga tababarka ee PMPF ee magaalada Boosaaso.

Munaasabaddii saaraakiishan tababarka loogu soo xiray waxaa ka qeybgalay taliyaha ciidanka booliska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire, agaasimaha ciidanka PMPF Cabdirabi Cabdisamed Maxamed, taliyaha ciidanka asluubta Gen. Saxardiid Maxamed Axmed Colow, agaasime ku-xigeenka PMPF Maxamuud Salaal Cumar, taliyaha howlgelinta ciidanka PMPF Gen. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac, taliye ku-xigeenka howlgelinta ciidanka PMPF G/Sare Maxamuud Abshir Ismaaciil (Leewar) iyo saraakiisha kala duwan ee ciidanka PMPF.

PUNTLAND POST