Ra’iisul Wasaare Xamse oo xilka qaadis iyo magacaabis sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Bare ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac.

Ra’iisul Wasaare Xamse waxaa uu wasiirka xusub ee warfaafinta u magacaabay Cabdifataax Qaasim Maxamuud oo ka tirsan xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay xil gudasho hufan iyo dadaal.

PUNTLAND POST