
Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in isaga oo kaashanaya ciidamada Puntland uu shalay duqeyn dhanka cirka ah ka fuliyay buuraha Calmiskaad ee gobol Bari.
Bayaan ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu xusay in duqeyntu ka dhacday meel qiyaastii 75-km dhanka koonfur bari kaga beegan magaalada Boosaaso, islamarkaana lala eegtay goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Daacish.
Dowladda Mareykanka waxay sheegtay in ay sii wadi doonto howlgallada hoos loogu dhigayo Daacish-ta Soomaaliya, iyada oo kaashanaysa ciidamada Puntland ee Soomaaliyeed.
Duqeynta Mareykanka ayaa ka dhacday ceelka Miiraale, halkaas oo sidoo kale uu shalay ka dhacay dagaal toos ah oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo urur argagixisada ah ee Daacish.
Ilaa afar askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa la xaqiijiyay in ay dagaalkaas ku dhinteen, halka la sheegay in jab weyn la gaarsiiyay xubnihii Daacish ee halkaas ku dhuumaaleysanayay, kaddib markii lagu qaaday dagaal cir iyo dhul ah.
Ceelka Miiraale wuxuu ka mid ahaa saldhigyadii muhiimka ahaa ee sanadkii hore lagala wareegay Daacish, balse ay dib u qabsadeen markii ay halkaas ka soo baxeen ciidamada Puntland.
PUNTLAND POST