Qardho: Ganacsade aano loo dilay

Maxamed Axmed Shire Faarax oo ka mid ahaa ganacsatada magaalada Qardho ayaa maanta lagu dilay xarun ganacsi oo uu ku lahaa magaaladaas.

Dilka ganacsadaha waxaa gaystay rag hubaysan, waxaana lala xiriirinayaa aano qabiil iyo dagaal dhacdadan ka hor ka dhacay bannaanka magaalada Qardho, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Kooxo dhul isku haysta ayaa saaka ku dagaalamay dooxooyinka magaalada Qardho, dagaalkaas oo inta la xaqiijiyay sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca afar kale.

Maamulka gobolka Karkaar iyo laamaha amniga Qardho ayaa weli ka hadlin dilka ganacsadaha iyo dagaalka la xiriira muranka dhulka ee ka dhacay bannaanka magaalada.

PUNTLAND POST