Laftagareen: Waxaan ahay madaxweynaha Koonfur Galbeed ee sharciga u dooran

Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa sheegay in uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana uu dhawaan tagi doono deegaannada maamulkaas.

Laftagareen oo wareysi siiyay barnaamijka Geed Fadhi ayaa yiri “waxaan ahay madaxweynaha Koonfur Galbeed ee shariciga u dooran”. Wuxuu ku daray “deegaankeenna waan tegi doonaa waana xorayn doonaa”.

Laftagareen wuxuu meesha ka saaray iscasilaadii uu bartiisa Facebook-ga ku baahiyay maalintii uu ka baxayay magaalada Baydbaba.

Hadalka Laftagareen ayaa yimid, xilli macluumaad soo baxaya uu sheegayo in ay xubno ka tirsan maamulkii dhacay ee Koonfur Galbeed ay gobolka Gedo ka wadaan abaabul ciidan iyo duulaan ka dhan ah Baydbaba.

PUNTLAND POST