Maxamed Shiino: DFS waxay Waqooyi Bari uga roontahay Somaliland

Madaxaweyne ku-xigeenkiisa hore ee SSC-Khaatumo Maxamed Shiino ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan wax mashaariic iyo xuquuq ah siin maamulka Waqooyi Bari oo udub-dhexaad u ah midnimada dalka.

Wuxuu xusay intaas baddelkeeda ay u doontay maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland oo ay siiso mashaariic iyo lacag kaash ah.

Mamaxed Shine ayaa hadal qoraal ah oo uu soo saaray ku yiri “In mas’uuliyiinta maanta Jamhuuriyadda Federaalku taliska gooni-goosadka ah ugu roonaato mashaariicda & maalgalino qaar kaash yihiin weliba si gaar ah loo naas-nuujiyo maxaa lagu macneyn karaa? Aan si kale tusaale kuu siiyo; suurgal ma tahay in xukuumadda Turkigu goonigoosatada Kurdiyiinta ee PKK maal iyo mashaariic u gacan galiso?!”

“Waxaaba kaba sii daran in cunaha la qabto maamulka Waqooyi-bari ee midnimada udub-dhexaadka u ah; Maashaariic aan lasiin, M)miisaaniyadda lagu darin, xuquuqda ciidanka difaacana laga hor istaago” ayuu raaciyay.

Wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay “Haddaan inagu is yeelyeelno oo indhaha ka laabano, taariikhdu waxay ku tilmaami doonta “khiyaano-qaran”.

PUNTLAND POST