
Ciidamada ilaalada xeebaha Yemen ayaa maanta sheegay in markabka nooca shidaalka qaada oo lagu magacaabo M/T Eureka ay koox hubaysan ka afduubteen xeebaha magaalada Shabwa ee dalkaas.
Ciidamada xeebaha Yemen waxay xuseen in markabka lala aaday dhinaca gacanka Cadmeed ee biyaha Soomaaliya, islamarkaana ay socdaan dadaallo lagu baadigoobayo.
Weli lama xaqiijin inta ay yihiin shaqaalaha saaran markabkan la afduubtay oo ku guushayay calanka dalka Togo.
Markabkan ayaa noqonaya kii saddexaad oo muddo labo todobabaad gudahood ah gacanta u gala kooxaha burcad-badeeda ah ee soo labakacleeyay.
PUNTLAND POST