
Ciidamada kala duwan ee Puntland ayaa dhanka berriga ka go’doomiyay kooxaha burcad-badeeda ee xeebaha ku haysta maraakiibta ganacsiga ee Honour 25 iyo Sward.
Ciidamada Puntland waxay diideen in wax adeeg ah uu u tago kooxaha burcad-badeeda ah iyo cidi fuusho maraakiibtaas, taas oo sababtay in ay ka wareegaan meelihii ay markii hore ku sugnaayeen.
Markabka Honour 25 oo lagu haystay xeebaha degmada Banderbayla ee gobolka Karkaar ayaa u wareegay xeebaha gobolka Nugaal, isaga oo weli ka go’doonsan dhanka berriga.
Sidoo kale markabka MV Sward oo lagu haystay xeebaha deegaanka Garacad ayaa wararku sheegayaan in kooxda burcad-badeeda ah ay ula dhaqaaqeen dhanka xeebaha Galmudug, kaddib markii ay la kulmeen go’doomin dhanka berriga ah.
PUNTLAND POST