Farmaajo oo Ugaaska Murursade kala hadlay khilaafka siyaasadeed ee dalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in uu Ugaaska beesha Murursade Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi oo dhawaan la caleemo-saaray kala hadlay khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira.

Farmaajo oo hadalka qoraal ah soo saaray ayaa yiri “Ugaaska oo ay wehelinayeen odayaal dhaqan iyo waxgarad Soomaaliyeed, waxaan ka wada hadalnay xaaladda dalka, adkaynta midnimada iyo doorka dhaqanku ay kuu leeyihiin samatabixinta iyo dowlad-dhiska, gaar ahaan marxaladdan adag ee dalku uu ku jiro duruufo siyaasadeed oo halis ah”.

Madaxweyne hore Farmaajo waxaa kulankan oo ka dhacay guriga Ugaaska Murursade ku wehelinayay Ugaaska beesha Mareexaan Ugaas Maxamed Ugaas Axmed.

PUNTLAND POST