Puntland oo ka hadashay iska hor-imaad ka dhacay Garacad

Taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug, G/sare Maxamuud Muuse Fardafuul ayaa ka hadlay iska hor-imaad saaka ka dhacay deegaanka Garacad ee gobolka Mudug, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Taliye Fardafuul oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in koox hubaysan ay saaka aroortii soo wareerareen saldhigga Garacad oo ay ku xirnaayeen rag ku eedeeysan burcad-badeednimo, islamarkaana weerarkaas uu sababay dhimashada hal askari oo ka tirsan Booliska Puntland iyo dhaawaca mid kale.

Taliyaha wuxuu intaas ku daray in ay ku daba joogaan oo sharciga horkeeni doonaan kooxdii weerarka soo qaaday, kuwaaas oo wararka qaar sheegayaan in iyagana hal qof ka dhaawacmay.

Meel u dhow magaalada Garacad waxaa lagu haystaa markab ganacsi oo lagu magacaabo MV Sward, kaas oo maalmo ka hor ay koox burcad-badeed ah ka soo afduubteen meel xeebta u jirta 12 meyl.

PUNTLAND POST