Madaxweynaha Puntland oo ka digay qulqulka Itoobiyaanka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni Cabdullaahi Deni ayaa halis aan indhaha laga qarsan karin ku tilmaamay dadka Itoobiyaanka ah ee qulqulaya gobolada Puntland.

Madaxweyne Deni oo shalay hadal ka jeediyay degmada Carmo ayaa sheegay in uu degmada Badhan ku arkay Itoobiyaan badan oo ku qulqulaya buuraha Calmadow, kuwaas oo sheegaya in ay shaqo doon yihiin.

Wuxuu arrintaas ku tilmaamay khatar weyn iyo mid lagu doonayo in dalka lagula wareego, isaga oo shacabka reer Puntland ugu baaqay in ay dhulkooda difaacdaan.

Madaxweyne Deni hadalkiisa kuma darin wax qorshe ah oo dowladda uu hoggaamiyo ka leedahay qulqulka Itoobiyaanka oo hadda saameeyay dhammaan gobolada, miyi iyo magaalo.

Puntland waxay dhawaan soo bandhigtay maxaabiista ajaaniibta ah ee argagixisada Daacish looga qabtay buuraha Calmiskaad, kuwaas oo tirada ugu badan ay ahaayeen Itoobiyaan.

PUNTLAND POST