Puntland oo soo bandhigtay Boolis si gaar ah u tababaran

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Birmadka Booliska Puntland, kuwaas oo muddo siddeed bilood ah tababar ku qaadanay Kulliyadda Booliska degmada Carmo.

Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa ka soo qayb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Puntland Maxamed Baarri Shire, mas’uuliyiin kale oo ka socday goleyaasha dowladda, maamulka gobolka iyo kan degmada Carmo.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku bogaadiyey ciidanka tababarka dhammeystay dadaalkooda, isagoo ku adkeeyey in ay ka shaqeeyaan sugidda amniga iyo xasilloonida Puntland.

Ciidanka Booliska Puntland ee hoggaamiyo Gen. Muumin Cabdi Shire wax uu muddooyinkii sameenayay isbeddel weyn oo dhan walba leh, taas oo ka qayb qaataday kor u qaadida ammaanka Puntland.

PUNTLAND POST