Sidee Golis uga hadashay shaqaalaheeda lagu dilay Sheebaab?

Shirkadda isgaarsiinta ee Golis ayaa markii ugu horreysay ka hadashay shaqaale ka tirsanaa shirkadda oo shalay Daacish ku qarxisay deegaanka Sheebaab oo ka tirsan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Bayaan tacsi ah oo ay Golis soo saartay ayay ku xustay in ay geeriyoodeen Xasan Jaamac Muumin iyo Cabdishakuur Maxamuud Ismaaciil oo ka tirsan shirkadda iyo labo muwaadin oo kale.

Golis waxaa ay ka gaabsatay sababta ay u dhinteen shaqaalaheeda, cida dishay iyo askartii la geeriyootay, iyada oo keliya bayaanka ku sheegtay in ay geeriyoodeen iyo tacsi ay dirtay.

Qaraxii shalay ee Sheebaab ayaa lala eegtay gaari ay saarnaayeen shaqaale ka tirsan shirkadda Golis iyo askar ka tirsan Daraawiishta Puntland oo la socday, kuwaas oo ku sii jeeday anteeno ay halkaas ku leedahay shirkadda Golis oo hore u jartay Daacish.

Weerarkaas waxaa ku geeriyooday labo shaqaale ah oo ka tirsanaa shirkadda Golis iyo labo askari oo ka mid ahaa ciidamada Daraawiishta Puntland, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay hal askari.

Deegaanka Sheebaab wuxuu muddoyinkii u dambeeyay ahaa isgaarsiin la’aan, kaddib markii ururka Daacish ay qarxisay anteenadii deegaankaas. Bilihii u dambeeyay waxaa soo badanayay weerarada ay gaystaan argagixisada Daacish ee ku dhuumaalaysata buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

PUNTLAND POST