
Inta la xaqiijiyay afar qof ayaa ku geeriyooday qarax maanta ka dhacay meel u dhow tuulada Sheebaab oo hoosta degmada Qandala ee gobolka Bari.
Qaraxa waxaa lala eegtay gaari ay saarnaayeen shaqaale ka tirsan shirkadda Golis iyo askar ka tirsan Daraawiishta Puntland oo la socday, kuwaas oo ku sii jeeday anteeno ay halkaas ku leedahay shirkadda Golis oo hore u jartay Daacish.
Dadka dhintay ayaa labo ka mid yihiin shaqaalaha Golis, halka labada kalana yihiin askari, sidoo kale waxaa weerarkaas ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland.
Deegaanka Sheebaab wuxuu muddoyinkii u dambeeyay ahaa isgaarsiin la’aan, kaddib markii ururka Daacish ay qarxisay anteenadii deegaankaas. Puntland iyo shirkadda isgaarsiinta Golis ayaa weli ka hadlin qaraxa ka dhacay deegaankaas ee sababay dhimashada iyo dhaawaca.
Muddooyinkii u dambeeyay waxaa soo badanayay weerarada ay gaystaan argagixisada Daacish ee ku dhuumaalaysata buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
PUNTLAND POST