
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in wixii ka dambeeya 15-ka bisha soo socota ee Maajo, haddii aan xal la gaarin aysan jirin dowlad Federaal ah oo jiri doonta.
Wuxuu sheegay wixii xilligaas ka dambeeya in xalka dalka laga dhowrayo shacabka iyo waxgalka Soomaaliyeed, taasna ay Puntland qayb ka noqonayso.
Madaxweyne Deni oo hadalka ka jeediyay magaalada Badhan ayaa yiri “laga bilaabo bisha soo socota 15-keeda, haddaan xal Soomaali isku waafaqsan tahay imaan, dowlad federaal ah oo jirtaa ma jirto”.
Deni ayaa xusay in ay Puntland ku filan tahay amniga iyo jiritaankeeda, islamarkaana waqti hore go’aan laga gaaray taas oo ay tahay lama taabtaan, ayna ka hortagi doonaan cid kasta oo isku dayda ficilo kala dhantaalaya.
PUNTLAND POST