
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan casho sharaf ah oo ka dhacday xarunta madaxtooyada la qaatay hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed, kuwaasi oo isaga yimid guud ahaan dhulka Soomaaliyeed.
Qaar ka mid ah isimada ayaa u soo jeediyay madaxweye Xasan Sheekh Maxamuud in uu talada dhulka dhigo, islamarkaana uu dalka ka badbaadiyo halista uu ku sii socdo, sida ay tilmaameen
Isimadaas waxaa ka mid ahaa Imaamka Mudullood Imaam Daahir Imaam Maxamuud, Garaad Jaamac Garaad Cali, Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Ugaaska Beesha Mareexaan Ugaas Maxamed Ugaas Kayse.
Dhanka kale qaar ka mid ah isimadii ka qaybgalay kulanka ayaa sheegay in dowladda ay horumar sameynayso, islamarkaana ay mudan tahay in lagu taageero.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxa dhankiisa u sheegay odayaasha dhaqanka in dalka uu horay u socdo oo uusan marnaba ka tanaasuli doonin qorshihiisa doorasho qof iyo cod, isaga oo ugu baaqay in ay arrintaas kala shaqeeyaan.
PUNTLAND POST