
Taliye Cabdi Madoobe oo ka tirsan saraakiisha ciidamada maamulka Waqooyi Bari ayaa hanjabaad culus oo la xiriirta gobolka Sanaag u jeediyay maamullada Somaliland iyo Puntland.
Taliye Cabdi Madoobe oo deegaanka ka tirsan gobolka Sanaag tababar ugu soo xiray ciidamo isaga ka amar qaata ayaa sheegay in aysan aqbayn in maamul aan Waqooyi Bari ahayn uu taliyo Sanaag.
“Gobolkan (Sanaag) waxaa ka jira saddex weji, sida xaqa ahna maamulka Waqooyi Bari ayaa dowladda Federaalka ah u aqoonsatay, maamul kale oo in uu ka taliyo aan yeelayno ma jiro” ayuu yiri Taliye Cabdi Madoobe.
Sigaar ah wuxuu ugu hanjabay maamulka Somaliland oo uu sheegay in ay dhawaan ka qaban doonaan dhammaan gobolka Sanaag.
“Nimanka cadowga ah ee doonaya in ay dalka kala qaybiyaan oo iibiyaan, dhawaan waxaan ku kala baxaynaa gobolka Sanaag, kaan deganahay waan ka qabanaynaa kay degan yihiina waan ka qabaynaa iyagu ma leh ee Soomaali baa lehe” ayuu yiri Cabdi Madoobe.
PUNTLAND POST