
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay isimada dhaqanka Soomaaliya in ay u istaagaan sidii loo gaari-lahaa xal siyaasadeed oo looga badbaado dib u laabasho siyaasadeed iyo dagaallo sokeeye.
Sidoo kale wuxuu madaxda siyaasadda dalka ee muxaafid iyo mucaarad ugu baaqay in odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed la siiyo kaalin dhab ah oo ay ka qaadan karaan geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya.
Madaxweyne hore Farmaajo ayaa taageeray baaqii shalay uu soo jeediyay madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed uuna taageeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo salka ku hayey kaalinta ay duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ee ku kulmay Muqdisho ay ka qaadan karaan xal u helidda ismari-waaga siyaasadeed ee dalka ka jira.

PUNTLAND POST