Aadan Madoobe oo DFS u wadato madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo dowladdu uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay u wadato musharaxa madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo.

Aadan Madoobe oo arrimaha doorashada u tagay Baydhabo, waxaa garoonka diyaaraha ku soo dhaweeyay madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

Aadan Madoobe wuxuu ka tartamayaa xisbiga dowladda ee Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), sida lagu go’aamiyay kulamo maalmihiii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxtooyada Soomaaliya waxay doonaysaa in ay ku abaalmariso Aadan Madoobe doorkii uu ku lahaa wax ka beddelkii dastuurka, taasoo qayb ka ah qorshaha lagu taageerayo.

Go’aankan wuxuu sameeyey mushaxiinta badan oo rajo ka qabay in ay u tartamaan madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana la filikaraa in ay dhacaan falcelinno iyo isbeddello cusub oo saameyn ku yeelan kara jihada doorashada maamulkaas.

PUNTLAND POST