Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku geeriyooday badda u dhexeysa Aljeeriya iyo Isbayn

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 17 dhallinyaro Soomaaliyeed ah ay ku geeriyoodeen badda u dhexeysa Aljeeriya iyo Isbayn, kuwaas oo ahaa tahriibayaal.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in dhalinyaraad oo ka kooban 12 wiil iyo 5 gabdhood ay hayaan sawirradooda, isla markaana ka codsaday eheladooda in ay la soo xiriiraan.

”Waxaa halkan u joognaa geeri naxdin badan oo runtii naga soo gaartay badda u dhaxeyso Aljeeriya iyo Isbayn, taas oo runtii ay ku geeriyoodeen 17 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo xeebtaas ku tahriibayay, 17-kaas dhallinyaro sida xogta aan ku hayno 12-wiilal, 5-na waa gabdho dhallinyaro ah, da’dooduna waxay u dhaxeysaa 18-30,” ayuu yiri guddoomiye Maxamuud Macallin.

Wuxuu intaas ku sii daray in ay wali wadaan baaritaano ku aaddan in ay helaan macluumaad iyo xog intaan ka badan, isagoo ugu baaqay waalidiinta dhallinyarada geeriyootay in ay hay’adda dowadda Soomaaliya la soo xiriiraan si ay u helaan aqbaarta ubadkooda.

PUNTLAND POST