
Ciidanka booliska ee gobolka Nugaal ayaa maanta fuliyey howlgal qorsheysan oo lagu qabtay xaddi badan oo maandooriye ah, kaas oo la doonayay in si dhuumaaleysi ah lagu soo geliyo magaalada caasimadda ah ee Garowe.
Howlgalkan oo ahaa mid ay si wadajir ah ay u fuliyeen ciidanka booliska ee garoonka diyaaradaha iyo taliyaha howlgalinta ayaa lagu soo qabtay khamri gaaraya 15 kartoon.
Waxaa goobta lagu soo bandhigayay maandooriyahan ku sugnaa taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal G/Sare Fu’aad Maxamuud Xuseen iyo taliye ku-xigeenka qaybta, G/Dhexe Ayax Jamaal, kuwaas oo kormeerayay habka uu howlgalku u dhacay iyo soo qabashada khamriga.
Howlgalkan wuxuu yimid, xilli ay maalmo ka hor xilka la wareegeen taliyaha cusub ee qaybta booliska gobolka Nugaal G/ Fu’aad Maxamuud Xuseen iyo ku-xigeenkiisa G/Dhexe Ayax Jamaal.
PUNTLAND POST