Puntland oo ‘dhibaato’ uga timid doorashooyinkii qof iyo cod

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in
ay dhibaato la yimaadeen goleyaashii deegaanka Puntland ee lagu doortay qof iyo cod.

Wasiir Qarjab waxa uu tilmaamay in ay ka shaqeyn waayeen guddoomiyeyaashii ay doorteen, islamarkaana ay ka dhammaan waayeen is qabqabsi iyo buuq dhexdooda ah.

Waxa kale oo uu si dadban u xusay in ay ku milmeen khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Puntland iyo dowladda Federaalka, halkii ay ka shaqeyn lahaayeen danaha degmooyinka loo doortay.

Wasiir Qarjab ayaa sheegay in wasaaradiisu dhawaan soo saari doonto sharciyo xakameyn doona goleyaasha deegaanka Puntland.

PUNTLAND POST