Deni oo sheegay in uusan faragelin doonin xuslista xildhibaanada Federaalka

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caddeeyay in doorasho kasta oo lagu heshiiyo uusan faragelin doonin xuslista xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in beeluhu si madax banaan ay u soo xulan doonaan xildhibaanada ku matali doona Federaalka, islamarkaana aan isaga mar dambe lagu eedeeyn doonin faragelin.

“Waa ogahay in aad igu eedeeysaan – waad na boobtay, hadeerba dadka u sheega ma faragelin doono kuraasta Baarlamaanka, qabiilada ayaa xulan doona ciddii ay rabaan, anigana mar dambe la iguma eedeeyn doono arinkaas” ayuu yiri madaxweyne Deni oo la hadlayay haldoor uu xalay kulan la qaatay.

Hadalka madaxweyne Deni ayaa yimid, xilli aysan jirin nooc doorasho oo heshiis lagu yahay, iyada oo xubno ka mid ah Golaha Mustaqbalka ay diidan yihiin doorasho dadban oo dowlad goboleedyada qaar rabaan iyo mida Federaalku wado ee qof & cod.

PUNTLAND POST