
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Puntland aysan aqoonsanayn maamulka Waqooyi Bari, balse ay aqoonsan tahay SSC-Khaatumo iyo beesha Dhulbahante.
Madaxweyne Deni oo caawa kulan wadatashi ah oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka Federaalka la qaatay qaar kamid ah aqoonyahanka iyo waxgaradka Puntland ayaa yiri “Waqooyi Bari ma aqoonsanin waxaan aqoonsanahay SSC-Khaatumo, Dhulbahante ayaan aqoonsanahay”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu raaciyay “xataa toban kooda xildhibaan ee Federaalka kuma haysano meeshay doonaan hala aadeen, waxaanse hubaa in aan doorashada kaddib heshiin doono”.
Shirka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada waxaa madaxweynaha ku weheliyey madaxweyne ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor, waxaana ka qaybgalay xubno ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
PUNTLAND POST