
Xildhibaan Mukhtar Cabdiraxmaan Axmed oo ka mid ah baarlamaanka Puntland ayaa siyaasad xumo ku dhaliilay xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
Xildhibaan Mukhtaar wuxuu sheegay in ay Puntland ku sii socota xaalad khatar ah oo la mid ah tii 1998-dii, islamarkaana ay kala irdhoobeen dadkii ku midoobay maamulka.
Wuxuu xusay in isimadii Puntland iyo waxgaradkii aadeen magaalada Muqdisho iyo dowladda dhexe, iyada oo saluugsan hoggaaminta madaxweyne Siciid Deni.
“Puntland waxay ku sii socotaa 1998-dii oo ah halkii laga soo bilaabay waxaana sabab u ah hoggaanka hadda jooga, dhaqankii oo dhan Xamar bay aadeen, iyaga oo saluugsan siyaasadda Siciid Deni” ayuu yiri xildhibaan Mukhtaar oo wareysi gaar ah siisay Idaacada Daljir.
Muddooyinkii u dambeeyay waxaa soo badanayay dhaliilo xoogan oo loo jeedinayay xukuumadda madaxweyne Deni, kuwaas oo qaarkood ay jeediyeen beelo, ciidamo, waxgarad iyo siyaasiyiin mucaarad ah.
PUNTLAND POST