Taliyaha cusub ee Madaxtooyada Puntland oo xilka la wareegay

Taliyaha cusub ee Madaxtooyada Puntland, G/sare Siciid Nuur Shire ayaa maanta xilka kala wareegay taliyihii hore G/sare Cabdinaasir Maxamed Muuse Shaati.

Sidoo kale waxaa iyana xilka la kala wareegay Taliye Ku-xigeenka cusub ee ciidanka Madaxtooyada G/Sare Maxamed Cali Marduuf iyo Taliye Ku-xigeenkii hore G/sare Cabdirisaaq Cali Axmed.

Waxaa saraakiisha xilka u kala wareejiyey Wasiiru-dowlayaasha Madaxtooyada Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Faarax Maxamuud Aw Cismaan, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Carshe Maxamed Siciid, iyo Afhayeenka Madaxtooyada ahna Agaasimaha Warfaafinta Jaamac Yuusuf Dabaraani.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada waxaa ka qaybgalay saraakiisha & ciidanka Madaxtooyada iyo mas’uuliyiin ka tirsan waaxyaha kala duwan ee Madaxtooyada Puntland.

PUNTLAND POST