
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Taliyaha Aaga Calmiskaad u magacaabay G/sare Maxamuud Shire Maxamed oo ka tirsanaa Ciidanka Badda iyo Barriga Puntland ee PMPF.
Taliye Maxamuud Shire waxaa loo xilsaaray hoggaaminta, howlgelinta iyo maamulka ciidan Puntland ee ka sugan aaga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Taliye Maxamuud Shire wuxuu hadda ahaa Taliyaha Ururka 1-aad ee Kummandooska PMPF, islamarkaana wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ugu firficoonayd ee sanadkii hore ka soo dagaalamay buuraha Calmiskaad.
Magaabista Taliyaha cusub ee Aaga Calmiskaad ayaa timid, xilli muddooyinkii u dambeeyay ay weeraro gaysanayeen ururka Daacish ee ku dhuumaalaysata buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Qoraal ka soo baxay PMPF ayaa lagu yiri “Taliska Guud ee Ciidanka Badda iyo Barriga Puntland ee PMPF, waxa uu hambalyo iyo bogaadin u diraya Gaashaanle Sare Maxamuud Shire Maxamed, oo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane H.E Said Abdullahi Deni uu u magacaabay Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland (CDP) ee Aaga Calmiskaad”.
“Taliye Maxamuud Shire, oo hadda ahaa Taliyaha Ururka 1-aad ee Kummandooska PMPF, waa sarkaal muddo dheer ka soo shaqeynayay difaaca iyo sugidda amniga dalka, laguna yaqaan geesinimo, daacadnimo iyo naf-hurnimo. Intii uu xilalka kala duwan soo hayay, waxa uu muujiyay hoggaan adag, xirfad ciidan oo sare, iyo karti uu ku maareeyo hawlgallada adag ee ka dhanka ah kooxaha khatarta ku ah amniga” ayaa la raaciyay.
PUNTLAND POST