
Magaalada Gaalkacyo waxaa caawa lagu afduubay Dr. Faarax Cabdi Maxamed oo ka mid ah hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn (MSF) ee ka howlgasha isbitaalka guud ee Gaalkacyo.
Maleeshiyo beeleed hubaysan ayaa dhakhtarka afduubay, kuwaas oo dhawaan muuqaal ay duubeen ku dalbanayay in la sii daayo nin laga soo qabtay gudaha Itoobiya, islamarkaana hadda ku xiran magaalada Garowe, kaas oo la sheegay in loo haysto dilkii taliyihii ciidamada madaxtooyada Puntland Col. Cismaan Cumar Maxamed (Cismaan Itoobiyaan) oo Gaalkayo lagu dilay sanadkii 2020-kii.
Wararku waxay sheegayaan in dhakhtarka loo afduubay aanada uu ku hayb yahay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Dhacdadan waxaa aad u cambaareeyay bulshada magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaa tan gobolka Mudug, iyaga oo dalbaday in dhakhtarka degdeg loo siiyo xorriyadiisa.
PUNTLAND POST