
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu muddo xileedkeedu yahay 5 sano, uuna ku cad yahay dastuurka la ansixiyey sanadkii 2012-kii.
Ra’iisul Wasaare Xamse oo hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho, islamarkaana ka hadlayay xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa yiri “muddo xileedka dowladda waa 5 sano meel looga baxo ma jirto, haddii la yiraahdo dastuurkii 2012-kii iyo kan hadda la ansixiyeyba“.
Ra’iisul Wasaare Xamse wuxuu hadalkan ugu jawaabayay siyaasiyiinta mucaaradka ah oo sheegaya in waqtiga dowladda hadda jirta uu gabaabsi yahay, islamarkaana loo baahan yahay hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay.
Hadalka Xamse wuxuu durba dhalisay su’aalo sharciyeed iyo dood cusub, isaga oo sii kordhiyay muranka siyaasadeed ee dalka iyo xiisadda doorashooyinka.
Qaar ka mid ah khubarada dastuurka ayaa qaba in Ra’iisul Wasaare Xamse uu hadalkan ula jeeday sharci uu ansixiyey baarlamaankii dowladda Farmaajo, kaas oo sheegaya in hay’adaha dowladda ay xilka sii hayaan ilaa laga dooranayo kuwa beddelaya, halka kuwa kale qabaan in muddo xiliyeedka dowladda uusan si cad ugu qornayn dastuurkii 2012-kii.
PUNTLAND POST