
Wafdi ka socda Saldanadda Cumaan iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa booqday deegaanka Buubi ee gobolka Mudug, si ay u qiimeeyaan maxjar cusub oo halkaas laga hirgeliyay.
Wafdiga Cumaan waxa hoggaaminayay Dr. Salim Sulaiman Rashid oo ah khabiir ka tirsan Wasaaradda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha dalkaas, halka IGAD ay ku matalayeen Dr. Yahannes Girma Maheri iyo Dr. Dominic Lokeris Kathaya oo ka socda IGAD‑ICPALD, xarun hoos tagta ururka oo diiradda saarta horumarinta dhul daaqsimeedka iyo xoolaha.

Intii ay joogeen, aas-aasayaasha maxjarka ayaa siiyay warbixin dhameystiran oo ku saabsan howlaha maxjarka, kadibna waxa ay booqdeen qaybaha kala duwan ee maxjarka oo loo diyaariyay hannaan waafaqsan heerarka IGAD‑ICPALD iyo caalamka.

Wafdiga ayaa qiray in Maxjarka Dhoofinta iyo Naaxinta Xoolaha ee Buuri loo dhisay si casri ah oo waafaqsan shuruucda caalamiga ah ee maxjarada, iyagoo uga mahadceliyay hirgelinta mashruucan muhiimka ah oo faa’iido u leh Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika.
PUNTLAND POST