
Wararka ka imanaya tuulada Dhaadaar oo ka tirsan degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay xalay fashiliyeen weerar ay kooxda Daacish ku soo qaaday deegaankaas.
Kooxda Daacish waxay doonaysay in ay bartilmaameedsato ceelbiyood ay dhawaan halkaas dowladdu ka qoday, balse ciidamada Puntland ayaa iska difaacay weerarkaas, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland ee halkaas ku sugan.

Wuxuu intaas ku duray in ay weerarka ku dhaawacmeen ilaa saddex askari oo ka tirsan ciidamada Puntland, islamarkaana aan la ogayn khasaaraha dhankooda gaaray kooxdii weerarka soo qaaday oo baxsaday.
Kooxda Daacish ayaa dhawaan isgaarsiinta ka jartay deegaankaas oo ay saldhig weyn ku yihiin ciidamada Puntland ee ku sugan buuraha Calmiskaad.
Muddooyinkii u dambeeyay waxaa soo badanayay weeraro ay gaysteen kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysata buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
PUNTLAND POST