
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku magacaabay taliyaha iyo taliye ku- xigeenka ciidanka madaxtooyada Puntland.
G/Sare Siciid Nuur Shire oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka buuraha Galgala ayaa loo magacaabay taliyaha ciidanka madaxtooyada, halka taliye ku-xigeenka loo magacaabay taliyihii hore ee qaybta booliska gobalka Nugaal G/Sare Maxamed Cali Axmed (Marduuf).
Magacaabistan waxay timid, kadiib markii shalay madaxweynaha Puntland uu taliyihii hore ee ciidanka nadaxtooyada G/sare Cabdinaasir Maxamed Muuse (Shaati) u magacaabay taliyaha qaybta booliska gobolka Sanaag.
PUNTLAND POST