
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa taliyihii qaybta Booliska gobalka Bari, Cabdulqaadir Jaamac Dirir u magacaabay Taliye Ku-xigeenka 2-aad ee ciidanka Booliska Puntland.
Sidoo kale G/Sare Yuusuf Axmed Ciise ayaa loo magacaaay Taliyaha Kuliyada Tababarka Booliska ee Carmo.
G/Sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf waxaa loo magacaabay Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada (CID) Puntland.
4. G/le Samiiro Cabdullaahi Maxamed ayaa loo magacaabay Taliye Ku-xigeenka Hoggaanka Dambiyada (CID) Puntland.
G/Sare Faarax Nuur Maxamed waxaa loo magacaabay Taliyaha Hoggaanka Kormeerka Ciidanka Booliska Puntland.
G/le Cabdirisaaq Axmed Jaamac waxaa loo magacaabay Taliye Ku-xigeenka Hoggaanka Kormeerka Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.
G/Sare Sekeriye Cabdiraxmaan Maxamed waxaa loo magacaabay Taliyaha Hoggaanka Tababarada iyo Qorshaynta Ciidanka Booliska Puntland.
G/Sare Cabdirisaaq Ismaaciil Xasan (Darwiish) waxaa loo magacaabay Taliyaha Hoggaanka Hawlaha Ciidanka Booliska Puntland.
G/Dhexe Faadumo Cabdulqaadir Cali waxaa loo magacaabay Taliyaha Hoggaanka Ilaalinta Deegaanka Ciidanka Booliska Puntland.
G/Sare Xuseen Cali Maxamuud waxaa loo magacaabay Taliyaha Hoggaanka Xiriirka Bulshada Puntland.
G/le Cabdikhadar Maxamuud Axmed waxaa loo magacaabay Taliye Ku-xigeenka Hogaanka Xiriirka Bulshda Puntland.
PUNTLAND POST