Madaxweyne Deni oo baddelay taliyeyaashii qaybaha Booliska gobollada

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa baddelay taliyeyaasha qaybaha Booliska gobollada Puntland, islamarkaana magacaabay taliyeyaal cusub.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Nugaal ayaa loo magacaabay G/sare Fu’aad Maxamuud Xuseen, halka Taliye ku xigeenka loo magacaabay G/Dhexe Ayax Jamaal Axmed.

Taliyaha Qaybta Booliska Bari waxaa loo magacaabay G/Sare Siciid Aadan Siciid, halka Taliye ku xigeenka loo magacaabay G/dhexe Maxamed Bashiir Ismaaciil.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Mudug ayaa loo magacaabay G/Sare Maxamuud Muuse Bille (Fardafuul), halka Taliye ku xigeenka loo magacaabay G/le Ayuub Siciid Cali (Dheeg).

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Karkaar waxaa loo magacaabay G/Sare Bashiir Maxamed Maxamuud, halka ku xigeenkiisa laga dhigay G/le Xudayfi Xuseen Cismaan.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Haylaan ayaa loo magacaay G/Sare Siciid Ducaale Faarax.

G/sare Cabdinaasir Maxamed Muuse (Shaati) waxaa loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Sanaag, halka ku xigeenkiisa loo magacaabay G/le Siciid Faarax Ibraahin.

G/Sare Maxamuud Maxamed Cabdulle (Shoox) ayaa loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Raas Casayr.

PUNTLAND POST