
Puntland ayaa wasiirkii hore ee maaliyadda Xasan Shire Abgaal ku eedeeysay in uu suurad xumeeyay halgankii Calmiskaad, islamarkaana uu sumcad dilay ciidamada naftooda u huray difaaca dalkooda.
Agaasimaha guud ee wasaarada Maaliyada Puntland Axmed Jaamac Jowle ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “aad ayaan uga xumahay in siyaasi hore Xasan Shire uu si fudud u suurad xumeeyo halgankii naf iyo maalba lagu bixiyay ee ay dowladda Puntland kaga sifaysay Daacish buuraha Calmiskaad”.
“Hadalladaasi ma ahan oo keliya kuwo xaqiiqada ka fog, balse waa kuwo si ula kac ah u sumcad dilaya ciidamada geesiyaasha ah ee naftooda u huray difaaca dalkooda” ayuu ku daray.
Xasan Shire Abgaal oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Garowe ayaa xukuumadda Siciid Deni ku dhaliilay dagaalka Calmiskaad, isaga oo sheegay in aan weli laga adkaan kooxda Daacish.
PUNTLAND POST