
Magaalada Boosaaso waxaa maanta si rasmi ah looga daahfuray hotel casri ah oo laga dhisay gudaha garoonka diyaaradaha Boosaaso, kaas oo lagu magacdaray Bosaso Airport Hotel.
Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeybgalay wasiiro ka tirsan Puntland, mas’uuliyiin heer gobol iyo degmo, oo ay ka mid yihiin mas’uuliyiinta gobolka Bari, maamulka degmada Boosaaso, taliska qaybta gobolka Bari, agaasimaha hay’adda PMPF, isimada dhaqan, ganacsato, iyo marti sharaf kale.
Ujeeddada daahfurka hotel-kan ayaa ah xoojinta iyo horumarinta adeegyada martigelinta ee magaalada Boosaaso, gaar ahaan kuwa la xiriira garoonka diyaaradaha, maadaama uu hotel-ku door muhiim ah ka qaadan doono soo dhoweynta martida gudaha iyo dibadda, iyo fududeynta adeegyada safarka.
Ugu dambeyn, wasiirada iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeer ku sameeyey qeybaha kala duwan ee hotel-ka, iyagoo indha-indheyn ku sameeyey tayada adeegyada iyo qalabka casriga ah ee uu ku shaqeyn doono, waxayna ku ammaaneen maamulka iyo howl-wadeennada dadaalka ay geliyeen hirgelinta mashruucan muhiimka ah.












PUNTLAND POST