Markabka Turkiga ee Çağrı Bey oo soo gaaray Muqdisho

Markabka Turkiga ee Çağrı Bey ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, kaas oo bilaabaya qodista shidaalka xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa deegaannada maamulka Galmudug.

Markabkan waxaaa munaasabad soo dhawayn ah loogu sameynayaa dekedda Muqdisho, taas oo ay ka qaybgalayaan madaxda sare ee Soomaaliya iyo madax ka tirsan dowladda Turkiga.

Çağrı Bey waa markab casri ah oo leh awood sare oo ku saabsan qodista shidaalka badda hoosteeda, waxaana la filayaa inuu muddo sanado ah ka shaqeeyo Soomaaliya.

Imaanshaha markabkan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo horudhac u ah howlaha shidaal baarista iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Turkiga wuxuu saameyn weyn ku yeelahay Soomaaliya, isaga oo ku leh saldhigga ugu weyn ee dalkiisa ka baxsan, sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in uu xarun Dayax -gacmeed dhawaan ka hirgalin doono gobolka Shabeellaha Dhexe.

PUNTLAND POST