Dil ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Waxaa xalay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug lagu dilay Khaliif Cabdinuur Saleebaan oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka cusub ee Booliska Puntland, kuwaas oo dhwaan dowladdu keentay magaalada.

Askarigan waxaa la dilay xilli uu ku jiray howlgal ciidan oo ay ku qaadeen shaqsi hubaysan, dhacdada kaddib ruuxii falka gaystay ayaa la sheegay in uu goobta isaga baxsaday, iyada oo Booliska Puntland uusan weli ka hadlin falkan.

Marxuumka la dilay waxaa la sheegay in uu ahaa dhakhtar xanaanada xoolaha bartay oo ka baxay kulliyadda xanaanada xoolaha ee jaamacadda Badda Cas ee Gaalkacyo.

Waa askarigii labaad ee ka tirsan ciidanka cusub ee Booliska Puntland oo lagu dilo magaalada Gaalkacyo tan iyo markii bil ka hor la keenay ciidamada.

PUNTLAND POST