Qardho: Madaxweyne Deni oo xarigga ka jaray dhisme dowladeed

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ayaa maanta xarigga ka jaray dhismaha cusub ee taliska qeybta Booliiska ee gobolka Karkaar, oo ay dowladda Imaaraadka ka taageertay Puntland.

Munaasabadda xarig ka jarka waxaa ka qeybgalay wasiirka amniga, xubno ka mid ab golaha wakiillada, taliyaha guud ee ciidanka booliiska, taliyaha qeybta booliska ee gobolka Karkaar, maamulka gobolka Karkaar, kan degmada Qardho iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale kormeer ku tegay xarunta gobolka Karkaar, isagoo halkaasi warbixin kaga dhegaystay mas’uuliyiinta gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho.

PUNTLAND POST